Trennlinie

Somaliland

Trennlinie

“La Haystayaal u ah Nabadda”

Halista Haysata Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyada Somaliland

Guudmar

Tan iyo markii ay ku dhawaaqday Somaliland inay xorriyadeeda ka qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay dhistay hay'adaheeda dawliga ah, waxay qoratay shuruuc iyo dastuurkeeda waxayna qabatay doorashooyin wax ku ool ah. Ma jirto dawlad caalamka ah oo illaa hadda aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland muddo 18 sano ahna dhulkaas sharciyan xaalad aan sugnayn ayuu ku jirey—dal ahaana mid aan jirin oo kale ayuu ahaa. Mudadaas gudaheeda Somaliland jid dheer ayey u qaaddey dhinaca dhisidda amniga iyo horumarinta hay'adaha maamul dimoqraadi ah. Laakiin guul-darradii xukuumada ee inay qabato doorashooyinkii la qorsheeyey inay dhacaan sannad ka hor ayaa iftiimiyey inta uu gaarsiisan yahay horumarkaasi, waxaana uu haatan halis u yahay inuu isu rogo dib u dhac. Somaliland waxay taagan tahay bar kalabayrah, dhacdooyinka bilaha soo socda dhaca ayaana lagu kala ogaan doonaa in deegaankaasi uu hore u sii amba-qaado horumarkii uu gaarey iyo inay billaaban doonto kala daadashadiisu.

Horumarka ay Somaliland ku tillaabsatey sanadihii tegey waa mid aan laga filayn oo aadna loola dhaco. Iyadoo inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay weli yihiin meel ay hadheeyeen qalalaase iyo dhiig daadasho, ayey Somaliland dhistey nabad ay ku xaqiijisey dadaal badan taasi oo haatan soo jirtay in ka badan toban sano. Nabaddaasi waxay reer Somaliland u noqotey gabbaad ay kaga badbaadeen xadgudubyadii naxdinta lahaa ee burburiyey nolosha tiro aad u badan oo Soomaalliya ku nool. Waxaana taas wehliya, in Somaliland ay wax badan ka qabatey inay aasaaska u dhigto nidaam dimoqraadi ah oo lagu dhisey si waafaqsan mabaadii'da xuquuqda aadanaha. Sannadihii 2003 iyo 2005 Somaliland waxay qabatey doorashooyin qaran oo si lagu qanci karo tartankoodu u dhacay, waxaana ku jirey doorashooyinkii baarlamaanka oo keeney in Aqalka Wakiillada ee dhulkaas uu aqlabiyad ahaan gacanta u galo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka. Waxaa jira jaraa'id tayo leh iyo ururro firfircoon ee bulshada rayidka ah oo madaxbannaan. Somaliland oo ku taal gobol ka mid ah meelaha dunida ugu deganaansho liita ayay haddana arrimahan intooda badan keligeed ku tillaabsatey.

Waxyaabahaas oo dhami ma ahan oo kaliya kuwo si aad ah uga duwan sharci-darrada ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ee waxay sidoo kale kaga horreysaa dawladaha ku yaal Geeska Afrika. Nidaamka sida cadawtooyada leh wax u caburiya ee lagu yaqaaanno xukuumadaha ka jira Itoobiya iyo Ereteriya ma ahan mid ka jira Somaliland. Doorashooyinkeedii ma noqon kuwo ay wiiqeen isdaba-marin baahsan oo la mid ah kuwii 2007-dii ka dhacay Kenya ama doorashooyinkii dawladaha hoose ee Itoobiya ka dhacay 2008-da oo caburinta baahsan ee xukuumaddu ay macno-dileen. Ciidanka ammaanka ee Somaliland kuma lug yeelan inay weerarro si ula kac ah ula beegsadeen rayidka sida kuwii sannadihii dhowaa ka dhacay Itoobiya, Keenya iyo koonfur/badhtmaha Soomaaliya.

Dhibaatada uu leeyahay isbar—bardhiggani waa iyada oo heerka ku dayasho ee dalalkani uu aad u hooseeyo—xaaladda dhawrista xuquuqda aadanaha ee gobolka ka jirta oo aad u liidata darteed. Haddii si qumaati ah loo fiiriyo, horumarka Somaliland ay ka gaartey xuquuqda aadanaha waa mid xadidan oon cago badan ku taagnayn. Inkastoo ay waxqabad ku tilaabsatey haddana, waxaa dhaca xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aan laga xisaabtamin oo ay gaystaan sarakiisha dawladda.

Saraakiisha dawladdu waxay marar badan caddibaad u geystaan suxufiyiinta, xubnaha mucaaradka ah iyo dadka dhaliila xukuumada. Tiro badan oo suxufiyiin ah iyo xubno u dhaqdhaqaaqa mucaaradka ayaa muddo kooban la xirey iyadoo looga aargudanayo shaqada ay ku jiraan. In badan oo ka mid ahna saraakiisha dawladda ayaa lala beegsadey iskuday ay ku laaluushayaan si loogu soo daro xisbiga talada haya ee UDUB.

Inkastoo aysan badnayn, hadana waxaa sidoo kale dhacay falal cabburin ah oo ay xukuumaddu awood xad-dhaaf ah ku isticmaashey. Darawal hore ugu shaqeyn jirey qoyska madaxweynaha Somaliland oo kashifey eedeymo falal musuqmaasuq ah ayaa xabsiga la dhigey waxaase lagu sii daayey qaylo-dhaan shacabku sameeyey kadib oo ka dhalatey markii ay soo baxeen sawirradiisa isaga oo xanuunsanaya oo yaalla isbitaalka kuna katiinadaysan sarriirta isbitaalka. Suxufiyiin ka warramay eedeymo kuwaas la mid ah ee musuqmaasuqa dawladda ayaa sidoo kale la qabqabtey laguna xukumay xabsi dheer kadibna lagu sii daayey cadaadis xoog leh oo dadweynaha ka yimid.

Iyadoo jaraa'idka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland yihiin kuwo aad u firfircoon oo madaxbannaan ayaa hadana dadaalka ay dawladdu u gashey inay ku xakamayso awoodda labada hay'adoodba waxa ay reebtey saamayn baqdin leh. Bilo kadib markii hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Somaliland isku daydey inay maxkamad la tiigsato xukuumadda si ay u joojiso isticmaalidda guddiyo amni oon sharci ahaan dastuuri ahayn oo ay dawladu u adeegsato awood ay wax ku soo xirto, ayaa hay'addii uu burbur ku yimid, kadib markii ay la soo deristey hardan ciddii hoggaamin lahayd hay'adda ah oo ay astaan u noqotay faragerlin qaawan oo dawladdu ka dambaysay. Dawladdu waxay ay diidey inay ruqsad siiso soo bixidda wax raadiye ama idaacadaha la dhegeysto ah oo madaxbannaan—waana warbaahinta kaliya ee awood u leh inay kala gaarto shacabka Somaliland intooda badan.

Waxaa la dhihi karaa halista ugu weyn ee khatarta gelin karto wax kasta ee Somaliland ay gaartey iyo waxa kaliya ee horumarkaas halista ku ah mustaqbalka dhow waxa ay u dhowdahay inay tahay madaxtooyada oo si aan gabbasho lahayn u diidan u hoggaansamida sharciga. Tusaalaha ugu cad ee muujinaya falalka sharciga ka baxsan ee dawladda waxaa ka mid ah u adeegsiga Guddiyada Amniga inay buuxiyaan kaalintii maxkamadaha oo ay kala wareegeen meelo badan oo garsoorka dembiyada ah iyo arrimo kale. Guddiyada amniga, oo ka kooban saraakiil dawladda ah iyo saraakiisha ammaanka waxay jiraan iyagoon haysan aasaas sharciyad sax ah oo ay ku dhisan yihiin. Gebi ahaanba way iska indho-tiraan waajibaadkii xaqa loogu lahaa ee uu ballanqaaday dastuurka Somaliland waxayna si joogto ah si aan tiro lahayn xabsiyo kala duwan ugu xukumeen eedeysanayaal iyadoo aan xitaa loo ogolaan fursad ayku hadlaan. Booqashadii u dambaysey ee dhowaan hay'adda Human Rights Watch ku tagtey Hargaysa bilihii Febraayo-Maarso 2009, in kabadan kala bar maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Mandheera, oo u badnaa qaar lagu soo eedeeyey dembiyo yar-yar iyo dhalinyaro waxaa xukumay Guddiyada Amniga ee ma aysan xukumin maxkamadi.

Adeegsiga xukuumada ee Guddiyada Amniga waa qodob laf-ahaantiisu muhiim u ah xuquuqda aadanaha—Waxa uu keeney in boqollaad reer Somaliland ah ay ku silcaan xabsiyada iyadoo aan la marsiin xuquuqdii ay lahaayeen. Laakiin arrinta gudiyadu waa qayb ka mid ah dhibaato weyn oo jirta—sida ku tumashada xafiiska madaxweynaha ee uusan dhowraynin sharciga iyo dastuurka oo xadaynaya awoodda madaxtooyada. Waxaa jira qodobo muhiim ah oo si muuqata u xadeynaya awoodda xukuumadda, laakiin kuwaas intooda badani waa kuwo aan si toos ah u xadaynaynin oo ku xiran aragti dadweyne iyo hay'ado dhaqan. Laakiin xadeynta rasmiga ah ee koobaysa awoodda madaxweynaha ee lagu dhigey shuruucda iyo dastuurka Somaliland waa kuwo aalaaba dhinac la iska mariyo oon la raacin.

Maxkamadaha iyo Baarlamaanku ma aysan muujin karti ay kula xisaabtami karaan maamulka madaxweynaha Somaliland Dahir Riyale Kahin. Aqalka Wakiilada ee Somaliland waxa uu gacanta ugu jiraa mucaaradka laakiin sida qaalibka ah xafiiska madaxweynuhu wuu iska dhego-tiraa hay'addaas dhinac ayuuna iska mariyaa tillaabooyinkeeda marka ay isku daydo inay dawladda kula xisaabtanto isticmaalka maaliyadeed taasi oo uu dastuurku u oggol yahay. Maxkamada Sare waxay leedahay awood ay ku bedeli karto tallaabooyinka dawladda ee aan dastuuriga ahayn laakiin Maxkamaddu waa mid xukuumada madiidin u ah—xubno bulshada u dhaqdhaqaaqa oo iskudayey inay ka doodaan sharcinimada Guddiyada Amniga ayaa si fudud maxkamada looga saarey kadibna lasoo xirey. Kiiskaas iyo dacwooyin kale ee xagga dastuurka ahba marna maxkamadu ma dhegeysan.

Bulshada Somaliland waxay si guud weli awood ugu leeyihiin inay xadidaan awoodda madaxweynaha ee inuu awood ku meelmariyo tillaabooyin aan dadku doonayn. Laakiin waxaa sidoo kale jira caqabado reebaya rabitaanka shacabka ee inay toos uga horyimaadaan tallaabooyinka dawladda cabsi laga qabo darteed inay halis gasho nabadda iyo xasiloonida dhibka badan laga soo marey iyo in la dhaawaco fursadaheeda aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha iyo xisbigiisuba waxay ku guulaysteen inay si qaldan uga faa'iideystaan ka reebtoonaanta shacabka ee iska-hor imaad toos ah taasoo ay ku gaareen meel ka gudubsan inta awood ahaan sharcigu u saamaxayo, waxayse wax yar u jirtaa inay si dhab ah u baritaarto caro dadweyne. In badan oo reer Somaliland ah ayaa ka xun inay dhab ahaan “la haystayaal u yihiin nabadda.”

Heerka uu gaarsiisan yahay khatarta ka soo socota habdhaqanka guud ee taagan waxa muujinaya inta jeer ee si xiriir ah madaxweynuhu uga baaqsadey inuu qabto doorashooyin maamulkiisu awoodda ku weyn karo. Doorashada madaxtinnimada Somaliland waxaa markii hore la qorsheeyey inay dhacdo bishii Abriil 2008. Laakiin madaxweynuhu illaa hadda 18 bilood ayuu ku kordhistey muddadiisii isagoo isticmaalaya Aqalka Guurtida ama Odayaasha oo ah labada aqal ee Baarlamaanka kan aan lasoo dooran, waana adeegsi xeelad dastuurnimadeedu markay ugu roonaato ay su'aali ka taagan tahay.

Ku adkaysiga madaxweynaha ee in dibu-dhaca doorashooyinku ay la xiriirto oo kaliya dhibaato ka haysata tashiilaadkii lagu diyaarin lahaa waa iska yeelyeel. Somaliland hore ayay u soo qabatey doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyadoo hay'ad ahaan awoodeedu ka yar tahay tan maanta. Caqabadaha tasiilaadka iyo karti-darraduba waa dhibaatooyin jira, waxayse badankoodu ka dhasheen dawladda oo gebi'ahaanba gudan weysey mas'uuliyadaheedii. Maamulka Riyaale waxaa uu markii hore heley muddo sannad kordhin ah sannadkii 2008 si mar labaad fursad loogu siiyo diyaarinta doorashooyinka—wuuse iska qasaariyey.

Somaliland waxay haatan wajahaysaa xaalad dhab ahaan halis ah. Madaxweynaha waxa suurowda inuu damacsan yahay inuu sii dheereysto mudada xilkiisa illaa iyo intii suurtogal ah iyadoon doorasho dhicin, maamulkiisuna mudadaas gudaheeda waxaa uu sigayaa inuu dhaawac aan laga soo waaqsan gaarsiiyo nidaamka dimoqraadiga ah ee soo baxaya. Waxaa jira sababo wanaagsan oo lagu rumeysan karo in Somaliland ay kasoo bixi karto qalalaasahan iyadoo nidaamkeeda dimoqraadiga ahi uu weli is haytsto. Haddii doorashooyinku qabsoomaan sida hadda u qorsheysan Septeembar 2009 ayna cod bixintaasi u dhacdo si xor ah oo xaqna ah dhibka jira waa la yareyn karaa. Laakiin waqtigan xasaasiga ah waa muhiim in gacmaha caalamka ee wada-shaqeynta la leh Somaliland ay soo farageliyaan si ay gacan uga gaystaan ku toosinta wadada saxda ah.

Wadashaqaynta caalamka ee Somaliland waxaa intiisa badan curyaamiyey iyadoo deeq-bixiyayaasha muhiimka ah iyo dhinacyadii la shaqeyn lahaaba ay xiriirkooda ku xirayaan nidaamka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin koonfur/badhtamaha Soomaaliya oo xaaladda ka jirtaa ay si aad ah uga gedisan tahay. Human Rights Watch, iyadoo ku ekaanaysa mas'uuliyadeeda urur ahaaneed, mawqif kama qaadanayso in Somaliland madaxbannaanideeda la aqoonsado iyo in kale. Laakiin si loo taageero xuquuqda aadanaha iyo ammaanka gobolka, qaybaha muhiimka ah, sida Midowga Afrika iyo deeq bixiyayaasha dawladaha reer galbeedka, waa inay si dhaqsi ah wadashaqeyn dheeri ah ula yeeshaan Somaliland si loo baajiyo qalalaase ka dhasha doorashooyinka islamarkaana la sii wadaa wadashaqeyntaas qotada dheer mustaqbalka fog.

Mustaqbalka dhow, waxa loogu baahi badan yahay waa cadaadis xoog leh oo caalamku saaro dawlada Somaliland si la isugu dayo inaan dib u dhac dambe ku iman doorashooyinka. Taasina waa inay la socotaa kaalmo caalami ah oo wax ku ool ah si loo xaqiijiyo in cod bixinta lagu diyaariyo Septeembar 2009-ka, iyadoo ay si hoosena u kormeerayaan goobjoogayaasha gudaha iyo kuwa dibeda labadaba. Mustaqbalka fog, qaybaha caalamka ee wada-shaqeynta la leh Somaliland waa inay waqti u huraan waxka qabashada halka uu salka ku hayo qalalaasaha haatan taagan, iyagoo isticmaalaya cadaadis joogto ah iyo mid gooni-gooni ah labadaba isla markaana ku caawinaya xoojinta awooda hay'adaha si loo xaqiijiyo in dawladdu ku socoto si aan ka baxsanayn shuruucdeeda iyo dastuurkeeda.

Si hore loogu socdo doorashooyinka kadib, dawladda Somaliland waa inay dhaqsi ugu dhaqaaqdaa xoojinta in sharcigu shaqeeyo ayna la dirirtaa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Tallaabooyinka ugu horreeya ee muhiimka ah in la qaado waxaa ka mid ah in Guddiyada Amniga laga xayuubiyo dhammaan awoodaha ay wax ku soo xiri karaan kuna ridi karaan xukunnada xabsiga ah, in loo hawlgalo hagaajinta madaxbannaannida iyo awoodda waxqabad ee garsoorka, iyo in la dhameeyo xayiraadaha xad-dhaafka ah ee reebaya qabashada bannaanbaxyada siyaasadeed iyo kulamada kaleba.

Talo soo jeedin

Ku socoto Dawladda Somaliland

  • Inay markale xaqiijiso in doorashooyinkii madaxtinnimada la qaban doono 29-ka Septeembar 2009 sidii horeba loo qorsheeyey, ayna fulisaa ballanqaadkaas. Waa inay qaaddaa tallaabo kasta ee suurtogal ah oo lagu xaqiijinayo in doorashooyinku u dhacaan si xor ah, xaq ah oon waxna qarsoonayn, ayna ku jirtaa casumaadda goobjoogayaal caalami ah oo kormeera cod bixinta.
  • Inay deg-deg u joojiso Guddiyada Amniga ee gobollada iyo degmooyinka awoodda ay ku amri karaan in wax lagu soo xiro laguna hayo ayna ku goyn karaan xukun xabsi ah iyo ciqaabo kaleba. In la sii daayo dhammaan dadka illaa haatan u xiran Guddiyada Amniga ama si dhaqsi ah loogu soo oogaa laguna maxkamadeeyaa falal dembiyeed la garan karo iyadoo la horgeynayo maxkamad caadi ah ee dembiyada.
  • Inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay, iyadoo la kaashanaysa deeq-bixiyayaasha dibedda si loo xaqiijiyo in hay'adda garsoorku awood u leedahay fulinta garsoor madaxbannaan, dhexdhexaad ah oo hufan si waafaqsan heerarka caalamiga ah.
  • Inay fasaxdo inay dhacaan bannaanbaxyada siyaasadeed ee nabadda ah si waafaqsan sharciga iyo dastuurka Somaliland; inay dhamayso isticmaalida ka badbadiska ah ee sharciyada doorashada ee mamnuucaya kulamada siyaasadeed iyo isu imaatinka dibedda ka ah xilliyada ololaha.
  • In xayiraadda saaran laga qaado dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee hoggaamiyihii hore ee ururka siyaasadeed ee Qaran isla markaana la tir-tiro qaybaha xeerka ciqaabta ee ogolaanaya in la fuliyo ciqaab taas la mid ah.
  • Inay soo bandhigto sharci abuuraya qaabkii ruqsad lagu siin lahaa idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
  • In la dhameeyo falalka dadka loogu wareejinayo gacanta dawlado kale iyadoon la xaqiijinayn xuquuqda aasaasiga, oo ay ku jirto la socoshadiisa dhinaca garsoorka. La xaqiijiyo in dhammaan dadka dib loo celinayo la siiyey fursad ay ku codsadaan magangelyo ayna galaangal u yeeshaan Hay'adda QM ee Qaxootiga. Ha u celinina qaxootiga meel naftooda iyo xorriyadooduba ay halis ku jirto, ama yaan qofna loo celin meel uu kula kumayo jirdil ama hagardaamo kale.
  • In la sameeyo nidaan joogto ah oo loogu talogalay diiwaan gelinta ururro cusub iyo kuwa siyaasadeed ee madaxabannaan ee doonaya xaqa ay u leeyihiin inay u tartamaan doorashooyinka dawladaha hoose, si waafaqsan qodobka 9 ee dastuurka Somaliland. Haddii loo baahdo, wax ha laga bedelo sharciga doorashada ee Somaliland si isbedelkani saamayn u yeesho ayna kala caddaato waxa ka dhalan kara doorashooyinka dawladaha hoose ee mustaqbalka haddii ururro siyaasadeed ee cusubi bedelaan saddexda xisbi ee Somaliland ee hadda jira.
  • Inay u gudbiso Aqalka Wakiilada sida farsamo ahaan ugu dhaqsiyaha badan warbixinta qarashgarayntii xukuumada ee sanadkii 2008 sida ku cad qodobka 55-aad ee dastuurka Somaliland, waana inay qaaddaa tallaabooyin lagu xaqiijinayo in warbixintan loo helo si joogto ah sannad kasta.
  • Inay si buuxda u xurmayso xuquuqda cid kasta si gaar ahaaneed iyo la bahoobida kuwo kale si ay u samaystaan, ugu biiraan ama uga qaybgalaan ururrada aan dawliga ahayn ee ujeedadoodu tahay kobcinta iyo dhowrista xuquuqda aadahana iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Ku socoto Xubnaha ka tirsan Guurtida

  • Ha siinina muddo kordhin dheeraad ah mudada madaxtinnimada ee Madaxweyne Riyaale; kuna adkeeya in doorashooyinka la qabto 29-ka Septeembar 2009 sidii horeba loogu qorsheeyey.

Ku socoto Midowga Afrika iyo Xubnaha Caalamiga ah ee wada-shaqeynta la leh Somaliland

  • Inay si aan ka leex-leexad lahayn ugu cadaadiyaan dawladda Somaliland inay iska ilaaliso dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada madaxtinnimada, iyagoo sidoo kalena Hargaysa u diraya wufuud sare oo diblomaasiyadeed. Inay bixiyaan kaalmada loo baahan yahay ee gacansiinaya qabashada mudadoodii ee doorashooyin xaq iyo xorba ah.
  • Inay ka codsadaan dawladda Somaliland ogolaanshaha inay doorashooyinka madaxweynenimada ee Septembar 2009 dhici doona u soo diraan tiro ku filan ee kormeerayaal doorasho oo caalami ah.
  • Inay inta qaddiyada Somaliland aan la xallinin ay diyaariyaan siyaasad mideysan iyo nidaam caawimaad oo si gaar ah loogu talo galay Somaliland taasoo gaar ka ah la macaamilka koonfur/badhtamaha Soomaaliya. Siyaasadahaas badankoodu waa inay noqdaan kuwo ku jeeda sidii dawladda Somaliland ay u raaci lahayd nidaamka iyo sharciga, islamarkaana noqdaan kuwo gacansiinaya horumarinta garsoorka iyo xoojinta ururrada bulshada rayidka ah iyo saxaafadda intaba.

Ku socoto Dawladaha Deeqda bixiya

  • Waa inay si joogto ah ugu cadaadiyaan dawladda Somaliland dhaqangelinta talooyinka kor lagu soo sheegey.
  • Inay iska xilsaaraan si mudnaan leh, gaarsiinta tasiilaad ku filan oo gacan ka gaysta sidii garsoorka Somaliland uu u noqon lahaa mid waafaqsan heerarka caalamiga ah oo leh madaxbannaani, dhexdhexaadnimo, iyo karti waxqabad.
  • Inay siiyaan kaalmo iyo caawimaad si loo dhiso awoodda bulshda rayidka ah, oo ay ku jiraan difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Somaliland.

Weitere Links:
Ganzer Bericht auf Deutsch.
Ganzer Bericht auf Englisch.
Pressemeldung auf Somali.

Quelle: www.hrw.org

Wir bedanken uns für die freundliche Genehmigung durch Human Rights Watch zur Veröffentlichung des Berichts auf der Web-Seite Somalia-aktuell.de.


© Copyright 2024 m.w. Verlag GmbH