Trennlinie

Somaliland

Trennlinie

Somaliland: Dimoqraadiyad Curdin ah oo halis ku jirta

Qalalaasaha Doorasho wuxuu caddeynayaa walaac ka wayn ee Xuquuqda Aadanaha

(Hargeisa, Somaliland) – Dhowris la'aanta sharciga iyo geeddi-socodka nidaamka dimoqraadiga ah ee dawladda Somaliland waxa uu halis ku yahay dimoqraadiyadda curdinka ah ee deegaankaas ka jirta, hay'adda Human Rights Watch ayaa sidaas ku sheegtey warbixin ay maanta soosaartey. Maamulka madaxweyne Dahir Riyale Kaahin waxa uu ku kacey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha wuxuuna abuurey qalalaase doorasho oo halis ah.

Warbixinta 56-ka bog ka kooban ee cinwaankeedu yahay “'La haystayaal u ah Nabadda': Khatarta ay ku jirto Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Somaliland”, waxay sheegaysaa in dawladda Somaliland ay gacan ka gaysatey illaa xad abuuridda deganaansho iyo dhismaha xukun dimoqraadi ah iyadoo xitaa Soomaaliya ay weli ku jirto xaalad daggaalo hubaysan. Laakiin horumarkaas Somaliland waa mid jilicsan oo haatanna halis ku jira. Maamulka madaxweyne Riyale si joogto ah ayuu ugu tumanayey sharciga Somaliland islamarkaana laba jeer ayuu baajiyey doorashooyinka oo markii hore loo qorsheeyey inay dhacaan April 2008, isagoo isticmaalaya qaab sharcinimadiisu dood ka taagan tahay. Dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka oo haatan la qorsheeyey inay dhacaan Sibteembar 2009, waxay masiibo ku noqon kartaa xukunka dimoqraadiga ah ee ka jira Somaliland.

“Somaliland 18 sano ayey isku dayeysey inay ku dhisto deganaansho iyo dimoqraadiyad, laakiin wixii ay gaartey oo dhan halis ayey ku jiraan haddii dawladdu ay sii waddo dhowris la'aanta xukunka sharciga ah,” ayey tiri Georgette Gagnon, Agaasimaha Qaybta Afrika ee Human Rights Watch. “Qalaalasaha ka dhashey doorashooyinka waxay daaha ka rogeen baahida loo qabo in la abuuro hay'ado dawli ah oo shaqaynaya kuwaasi oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha.”

Warbixinta Human Rights Watch waxay inteeda badani ku salaysan tahay booqasho laba todobaad ah oo bishii Maarso 2009-ka ay ku tagtey Somaliland kaasoo ay xog-baarayaashu ku soo wareysteen saraakiil ka tirsan dawladda, hoggaamiyaasha mucaaradka, xubnaha u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka, falanqeeyayaal ka soo jeeda mandiqaddaas, iyo dhibanayaasha tacadiyada xuquuqda aadanaha ah.

Somaliland ayaa ku dhawaaqdey inay madaxbannaanideedii ka qaadatey Soomaaliya sannadkii 1991-kii kadib dhicistii dawlad shaqeynaysa tii ugu dambaysay ee Soomaaliya . Ma jirto dawlad aqoonsatey qarannimada ay sheegatey Somaliland. Human Rights Watch mawqif kama qaadanayso in caalami ahaan Somaliland loo aqoonsado inay tahay dal madaxbannaan. Laakiin xubnaha beesha caalamku waa inay ku xirnaasho sidan kasii qotodheer la yeeshaan Somaliland, waa inay ku cadaadiyaan dawladda Somaliland dhowrista xuquuqda aadanaha iyo heerarka dimoqraadiyada soo kacaya ee dhulkaas, waana inay siiyaan kaalmo si gaar ah loogu talo galay xoojinta hay'adaha muhiimka ah ee dawladda, saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Sannadihii dhowaa maamulka Riyaale waxa uu si joogto ah aqalka Baarlamaanka ee mucaaradku ku xoogan yahay u arkayey sidii qodax ku taagan oo kale, isagoo diidey inuu xurmeeyo kaalintiisa uu ku leeyahay nidaamka baarlamaanka amaba inuu la socdo qaabka mad-madowgu ku jiro ee xukuumadda wax u kharashgarayso. Wax weyn lagama qaban dhismaha awoodda garsoorka oo si magac u yaal ah u madaxbannaan; maxkamadaha hoose aalaaba ma awoodaan meelmarinta sharciga halka Maxkamada Sarena ay u dhaqantay sidii inay madiidin u tahay madaxweynaha.

Tallaabooyinka dawladda ee ka hor imanaya shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba waxa ay xadgudub toos ah ku yihiin xuquuqda reer Somaliland, ayey tiri Human Rights Watch. Maamulka Riyaale waxa uu hareer marey maxkamadihii waxaana uu ku tuntey xuquuqdii eedeysanayaasha dembiyada iyadoo lagu tiirsanaanayo “guddiyada amniga” oo gebi ahaanba hoos taga awoodda xukuumada islamarkaana aan wax aasaas sharci ah ku lahayn qaanuunka Somaliland. Guddiyada amnigu waxay xukumaan xabsigana u diraan dad reer Somaliland ah oo ay ku jiraan dad lagu soo eedeeyey dembiyo fudud iyo da‟yar , iyadoon xitaa aan la marsiin sidii sharcigu ahaa. Si joogto ah ayaa loo xukumaa eedeysanayaasha iyagoo horimo ah oo aan la keenin wax caddeyn ah amaba caddeymo yar ayaa lagu xukumaa marka dacwadooda si kooban loo dhegeysto iyadoon eedeysanayaashana xaq loo siineyn inay hadlaan. Markii ay Human Rights Watch booqatey xabsiga Mandheera ee ku yaala duleedka Hargeysa, in ka badan kala bar maxaabiista ku jirta waxaa soo xukumey gudiyada amniga, ee ma aysan xukumin maxkamado.

Dawladdu waxay sidoo kale isticmaashey falal wax caburin ah oo gobolka aad ugu badan, laakiin dhif ku ahaa Somaliland. Darawal hore ee qoyska madaxweynaha ayaa xabsiga la dhigey kadib markii uu si cad musuqmaasuq ugu eedeeyey qoyska madaxweynaha, waxaana la siidaayey oo keliya markii ay soo baxeen sawirradiisii isagoo aad u xanuunsanaya kuna katiinadeysan sariirta isbitaalka. Hoggaamiyaasha xisbiga mucaaradka ah ee Qaran, oo ka horyimid jiritaanka in saddex xisbi ay keligood sharci ahaan ka qaybgalaan doorashooyinka, ayaa lagu xukumay muddo xabsi ah waxaana laga mamnuucey wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah, inkasta oo la sii daayey iyagoon dhamaysan mudadii xabsigooda. Sidoo kale hay'ad madaxabannaan ee ugu weyn Somaliland ee u doodda xuquuqda aadanaha ayaa la burburiyey kadib isku-qabsi hoggaankii hay'adda ah oo yimid markii ay saraakiisha dawladdu ay si cad u soo farageliyeen.

Laakiin waxa ugu badan ee dhaca waa siyaalo hagardaamo hoose ah oo lala beegsado suxufiyiinta, xubnaha mucaaradka u dhaqdhaqaaqa iyo qaar kale. Marar badan ayaa saraakiisha dawladdu xireen, sida qaalibka ah muddo kooban, shaqsiyaad si muuqata u dhaleeceeyey dawladda amaba bixiyey warar saxaafadeed oo loo arkay mid aan laga raalli ahayn.

Xaaladda aan sugnayn ee ay Somaliland kaga jirto gobolka ayaa reer Somaliland ka leexisay inay mucaaradad cod dheer ah la yimaadaan marka xuquuqdooda lagu xadgudbo iyagoo ka baqanaya inay dhaawacaan deganaanshaha ay dhibka u soo mareen ee ka jirta deegaankooda iyo baadigoobka aqoonsi caalami ah. Dad badan ayaa u sheegey Human Rights Watch inay xaqiiqo ahaan “la haystayaal u yihiin nabadda” - oo ayna awood u lahayn inay abbaaraan mushkiladaha ugu qoto dheer Somaliland cabsi ay ka qabaan darteed inay uga sii daraan xasilloonida nugul ee u saamaxdey deegaankooda inuusan marin jidkii Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ku yaal.

Dib u dhaca soo noqnoqdey ee doorashooyinka madaxtinnimada Somaliland waxuu khatar gelinayaa aasaaska nidaamka dimoqraadiga ah ee soo koraya. Madaxweyne Riyaale laba jeer ayuu muddo kordhin dheer oo xilkiisa ah uu siiyey aqalka aan la soo dooran ee Aqalka Odayaasha. Doorashada waxaa haatan loo qorsheeyey Septeembar 29-keeda, laakiin shaki weyn ayaa laga qabaa inay dhici doonto iyo xaaladda ay ku dhici doontaba.

“Somaliland waxay taagan tahay kalagoys khatar ah,” ayey tiri Gagnon. “Siddeed iyo toban sano oo ah horumar loo qaadey dhinaca xukun dimoqraadi ah iyo dhowrista guud ee xuquuqda aadanaha ayaa la adkayn doonaa ama halis la gelin doonaa, waxayna taasi ku xiran tahay tallaabooyinka xiga ee uu qaadi doono madaxweyne Riyaale.”

Weitere Links:
Dieser Bericht auf Deutsch.
Dieser Bericht auf Englisch.
Zusammenfassung des Berichts auf Somali.

Quelle: www.hrw.org

Wir bedanken uns für die freundliche Genehmigung durch Human Rights Watch zur Veröffentlichung des Berichts auf der Web-Seite Somalia-aktuell.de.


© Copyright 2024 m.w. Verlag GmbH